Dhageyso: Gen. QEYBDIID: Ciidamada Gal-Mudug waxay amar ku qabaan in…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-gobolledka Galmudug,Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo saxaafadda la hadaly xilli uu galinkii danbe ee shalay soo gaaray Gaalkacyo, waxaa uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah diyaaradii soo caga dhigata garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Cabdi Qaybdiid ayaa digniin u diyaray diyaaradaha ka soo dagaya garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf, waxaa uu si gaar ah ugu digay diyaarada xilliga horeee shalay timid soo qaaday qaad.

“Waxaan u digayna diyaarada xilliga hore soo caga dhigata garoonka Cabdullaahi Yuusuf,annaga wan xirnay garoonka ma ka soo dagi karan, saakay si qalad ah bay uga soo daggeen hadday dhacdo berri ciidanku waxay amar ku qabaan waajibkooda inay gutaan,”ayuu yiri madaxweynaha Galmudug oo shalay galab la hadlay taageerayaashiisa.

Cabdiqaybdiid ayaa hadalkiisa u dhigay in la jebiyay Go’aankii ay shalay ka soo sareen Garoonka gaalkacyo oo ahaa in aysan wax diyarad ah ka soo degi dooni.

“Waxan la socona Saakay in si sharci dara ah oo qar iska tuurnimo ah ay uga degtay Diyaradda qaadka ee Blue Band, balse hadday soo laabato ciidamada waxay qabaan amar buuxa” ayuu yiri Qaybdiid

Halkan ka dhageyso Qeybdiid

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com