Ciidamada SOMALILAND oo u jiheystay Dhahar iyo Boosaaso & PUNTLAND oo laba dhinac ay colaad kaga furan tahay

Boosaaso (Caasimada Online) – Guutooyin ka tirsan Ciidanka Somaliland ayaa u dhaqaaqay degaanka Dhahar, waxayna saraakiil ka tirsan Somaliland ay sheegeen inayy weerar ku yihiin Magaalo Xeebeedka Bosaaso oo ay ku taal dekada laga helo dhaqaalaha ugu badan ee Puntland ku maareeyso maamulka.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa sheegay in weerarka cusub yahay wax ay ugu yiireen mid lagu wiiqayo awooda dhaqaale iyo gaashaandhig ee Puntland State, inkasta oo hadalkooda u muuqd un hanjabaad kaliya..

Maamulka Somaliland ayaa la rumeeysan yahay inay ka faa-iideysanayaan Colaada cusub ee ka dhex aloosan Habargidir iyo Majeerteen ama hadii shaar loo geliyo Puntland iyo Galmudug.

Ciidanka Galmudug ayaa rasaas ku furay Garoonka Galkacyo oo ku yaal Koofurta, balse ay maamulkiisa gacanta ku hayaan Puntland, waxaana shalay ka degtay hal diyaarad oo qaad waday, taas oo sida la sheegay aan ka warqabin xayiraada.

Maamulka Galmudug ayaa joojiyay guud ahaan Gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Wadada dheer ee isku xirta gobolada dhexe iyo Waqooyiga Galkacyo, kuwaas oo Dekadda Bosaaso ka soo qaadi jiray Alaabo, iyagoo dhinaca kalena Xoolaha, sida Ariga iyo Lo-da geyn jiray Dekadda Bosaaso.

Beesha Leelkase oo ka mida beelaha ugu awooda badan gobolka Mudug ayaa door weyn ka ciyaareyso sidii loo dhisi lahaa maamul gobollada dhexe u gaar ah.

Habargidir iyo Majeerteen waxaa sanadkii 1993 dhexmaray dagaal loogu magacdaray Nus qiyaamo.

Heshiis dhexmaray Jeneral Caydiid iyo Korneyl Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa lagu dhameeyay colaadaas lagu riiqmay, waxaana muuqata nabad ku wada noolaanshahii bulshada Mudug ee labaatan sano ka badan socotay ay hadda mugdi ku jirto, kadib markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu doortay inuu xayiraad saaro Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com