Ciidamo ka tagay GAROOWE oo gaaray Gaalkacyo & Qeybdiid oo iclaamiyey…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xiisadda ka dhex oogan Puntland iyo Gal-Mudug, ayaa u muuqata mid kasii dareyso, aayada oo Puntland ay ciidamo dirtay, Cabdi Qeybdiidna uu hanjabay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa xiisad dagaal, oo ka dhalatay go’aanka ay Puntland ku xayirtay garoonkii Gal-Mudug iyo hadalkii Gal-Mudug ee hogaamiyey inuu xirmo garoonkii Cabdullahi Yuusuf.

Wararka soo gaaraya Caasimada Online ayaa sheegaya inay xalay ciidamo ka baxeen magalada Garoowe, kuwaasi oo xoojinaya ciidamo kale oo heegaan laga galiyay waqooyiga Gaalkacyo.

Wasiiro ay ka mid yihiin Amniga, waxbarashada iyo duulista hawada ee Puntland ayaa gaaray galinkii danbe ee shalay magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo kulamo is-dabo joog ah la qaadanayay mamulka Mudug, kan degmada iyo Odayaasha dhaqanka, si ay heegan u geliyaan.

Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Qaybdiid ayaa sheegay inay tilaabo ka qaadi doonaan diyaarad danbe oo kasoo degata garoonka Cabdilaahi Yuusuf.

Hadalkan ayuu u jeediyay dadwayne shalay kusoo dhaweeyay magalada Gaalkacyo oo socod dhulka ah kaga soo galay dhanka Cadaado, wuxuna sheegay inay amreen inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Amarkiisa ayaa fuliyey, waxaana garoonka shalay kasoo degay kaliya hal diyaarad oo qaad waday, oo aan ka war-hayn amarkiisa, mana la filayo inay maanta wax diyaarad ah kasoo degaan.

Ma jirto xal laga gaaray ilaa iyo hadda xiisada laga dareemayo magalada, hase yeeshee waxay u muuqataa labada dhinac inay ka war sugayaan waxa dhici kara maanta.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com