XASAN SHEEKH oo si kulul uga hadlay boobka Kenya ee badda SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo la hadlaayay Idaacada BBC-da ayaa waxa uu mar kale si kulul uga hadlay Arrimaha la xiriira baddaa Somalia iyo boobka Kenya.

Madaxweyne Xassan waxa uu ka hadlay Dacwad ay DF ka gudbisay Dowlada Kenya taasi oo laxiriirta Fara galin qaawan oo Biyaha Soomaaliya ay kusameesay, waxa uuna Tilmaamay in Arrintaasi ka hadalkeeda looga fadhiyo Beesha Caalamka oo nuqul kamid ah warqadaha Dacwada ah loo gudbiyay.

Waxa uu Tilmaamay Madaxweynaha inay Muda dheer ay wada xaajood layeesheen Kenya balse ay ku gacan-seyreen.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu Farta ku goday in Kenya ay ka dhaga adeegtay in ay faraha kala baxdo Bada Soomaaliya ayna Dacwad Caalami kagudbiyeen, wallow aysan Jawaab ka helin.

‘’Arrintaani weynaga horeysay inta aan xilka heynana wey dhacday, dhowr jeer ayaan ka wada hadalnay anagoo ah Time ka kooban Somalia iyo Kenya, markii danbe waxan aragnay in wada-xaajoodka miro dhalkiisa uu aad u gaabinaayo farqiga noo dhexeeyana uu aad u ballaaran yahay, qaabka xalka lagu raadin karo waxa uu noqday in Maxkamada Caalamiga arrintaani loo gudbiyo, weli waxaa noo furan inaan Kenya kawada hadalno Biyaha uu muranka ka taagan yahay. Somalia iyadana xuquuqdeeda ayey daba joogta oo ay raadineysaa cidna wax uma dhibeyno’’

Dhanka kale, madaxweynaha kuma uusan sii fogaan ka hadalka Biyaha Somalia ee uu muranka hareereyay, waxa ayna noqoneysaa markii labaad oo Madaxweynah Xasan Sheikh uu cadeeyo dacwada Dowlada Kenya ay ka gudbiyeen waxa dhalisay Maadaama ay soo fara galiyeen Biyaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com