MADOOBE oo taageeray shirka SADE

Baydhabo (Caasimada Online)- Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lixda gobol, Madoobe Nuunow Max’ed, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa ka war bixiyay sida uu u arko shirarka ka kala socda Baydhabo, Kismaanyo iyo Garbahaaray isagoo sheegay inuu ku qanacsan yahay sida uu u socdo shirka ka socda magalaada Garbahaaray ee gobolka Gado.

Madoobe Nuunow,  ayaa tilmaamay inuu si weyn uga soo horjeedo maamulada kale ee ka jira gobolada koonfurta galbeed ee Soomaaliya sida Gedo, Jubada hoose, J, dhexe , Shabeelaha hoose, Bay iyo Bakool oo uu sheegay  in maamulka goboladaasi uu horay u jiray, waxuuna xusay in aysan marnaba gorgortan ka galaynin maamulka lixda gobol.

Madoobe Nuunow, ayaa sidoo kale nasiib daro ku tilmaamay shirarka kale ee haatan la soo abaabulay isla markaasina loogaga arrinsanayo maamul u samaynta goboladaasi, waxuuna sidoo kale xusay in ay ka war hayaan in maamul ku meel gaar ah oo uu waqtigiisu sii dhamaanayo uu ka jiro goobaha qaar.

Madaxwaynaha maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya, Madoobe Nuunow Max’ed, ayaa sheegay inuu wado qorshayaal uu xiriiro kale duwan kula sameynayo dadka ku dhaqan gobolada maamulkiisa sheeganayo

Nuunow ayaa sidoo kale tilmaamay in shirka maamul u samaynta saddexda gobol ee ka socda magalaada Baydhabo uu yahay mid ay diidan yihiin isla markaasina lagu doonayo in lagu dumiyo maamulka lixda gobol ee uu isagu sheegay inuu madax wayne u yahay, waxuuna si wayn u soo dhaweeyay shirka kale ee wada tashiga uu ku tilmaamay ee ka socda Garbahaaray gobolka Gedo, isagoo xusay in shirkaasi uu yahay mid wada tashi ah oo ay beesha dagtaa halkaasi ka yeelanayso aayaheeda danbe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com