Sawirro: Gaas, Wasiiro & Saraakiil war kasoo saaray xiisadda Gaalkacyo (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shir deg deg ah la yeeshay Golaha Wasiirada Puntland iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa looga arrinsanaayay arrima dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xaalada Amaan ee Magaalada Gaalkacyo.

Kullanka oo socday Saacado badan ayaa waxaa sida la sheegay uu Madaxweyne Gaas kala hadlay Wasiirada iyo Saraakiisha amaanka qaabka loo wajihi karo xaalada amaan ee magaalada Gaalkacyo oo dadka Gaalkacyo ay ka cabsi qabaan dagaal ka dhasha khilaafka Garoomada diyaaradeed ee Jira.

Inta uu Kullanka socday ayaa waxa ay Puntland mar kale ku celisay inaysan jiin cid is hortagtay Garoonka ay sheegtay in Galmudug laga hor-istaagay.

Sidoo kale, Kullanka ayaa waxaa ka soo baxay War Murtiyeed qodabaysan oo dhamantood diiradda ay ku sareen arrinta Gaalkacyo iyo hadalka galmudug horay uga soo yeeray.

Qodobada laga soo saaray ayaa waxaa kamid ah Dowladd Puntland oo baaqyo u diraysa Beesha Calamka iyo Dadka Gobalka wada dega waxa uuna u qornaa sida tan:-

 

WAR-MURTIYEED-26-9-2014_001 WAR-MURTIYEED-26-9-2014_002

DAAWO SAWIRADDA:-

wasiiro 2 wasiiro 3 wasiiro 4 wasiiro