Qeybdiid oo shir jaraa’id oo xasaasi ku qabtay Cadaado (Muxuu uga hadlay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado Ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa waxa uu uga hadlay Dadajinta Maamul u sameynta Gobolada Dhexe Ee Dalka Somalia.

Qeybdiid, waxa uu Tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in Dowlada Federaalka Somalia, ay dadajiso dhismaha Maamulka, waxa uuna ku baaqay in sida ugu dhaqsaha Badan maamulkaas loo dhiso Gogoshiisana loo Dhigo Cadaado.

Sidoo kale, Cabdi Xasan cawaale Qaybdiid waxa uu Shirkiisa Jaraa’id kusoo hadal qaaday Colaadaha maalmahaani ka dhex taagan Galmudug iyo Puntland, waxa uuna Maamulka Puntland uu ugu baaqay inay qaatan wada-hadal dhexmara.

Waxa uu sheegay inay suuragal tahay inay sii daba dheeraato Xiisada ka taagan Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Isagoo Baaq nabadeed u diray Madaxweynaha Maamulka Puntland oo uu leeyahya wada hadal waa in lagu xaliyaa Xiisada Gaalkacyo ka taagan.

Dhanka kale, Madaxweyne Cabdi qaybdiid ayaa waxa uu Dowladda Federaalka Somalia ku eedeeyay Aamusnaanshaha ay ka aamusan tahay Xiisadaha taagan, waxa uuna sheegay in Warqado qoraal ah oo uu u diray DFS aysan weli kasoo jawaabin, taasina ay tahay mas’uuliyadari

Qeybdiis Waxa uu mar kale DF ugu baaqay inay soo faragaliso Xaalada cakiran Ee Gaalkacyo ka taagan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com