Wasiirada DFS oo MUQDISHO ka wada dhaqan xumo iyo arrimo naxdin badan

Muddooyinkaan dambe, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo batay falalka anshaxa ka baxsan, ee ay ka geysanayaan Masuuliyiinta Xukuumada Somaliya qaarkood, waxaana adkaatay in la helo cid si toos ah tooshka ugu ifisa.

Wasiirada, ayaa intoodu badan ka wada siman inay saxibo la noqdaan hablaha madaxa kor u soo qaaday, iyagoona waqtiga ugu badan kula qaata goobo gaar ah oo markaasi ay wada qorsheysteen, inay isugu yimaadaan amaba ay ku wada caweeyaan.

Indhahaagu waxay qabanayaan Wasiir gaarigiisa aysan rasaastu karin ku wata gabar dhalinyaro ah, oo laguugu sheegaayo inay saxibo yihiin, waxaadna ku arkeysaa hoteelada iyo maqaaxiyadaha Magaalada Muqdisho ee la horumariyay.

Sidoo kale waxaad arkeysaa dadka caadiga ah ee hoteelada degan amaba maqaaxiyadaha ka cunteynaaya, oo kuu tilmaamaaya in ninkii halkaa fadhiyay amaba maraayay uu yahay Wasiir hebel, gabadhihii la socotayna ay ahayd mid ay saxib wadaag yihiin.

Waxaad sheeko iyo xan ahaanba aad ku maqleysaa in Wasiiradu ay hablaha ku indho darandaarinayaan jeebabkooda qoyan, isla-markaana ay kaga faa’iideysanayaan baahiyaha ay qaarkood qabaan.

Dhegahaagu waxay maqlayaan in Wasiir hebel uu gabar dhalinyaro ah ka bixiyo qarashaadka ay Jaamacadda ku dhigato, laakiin aynaan ahayn wax uu ugu asxaan falaayo, ha yeeshee uu gabarnimadeeda kaga faa’iideysanaayo.

Waxyaabaha ku cajab gelinaaya, ayaa waxaa laga xusi karaa in Wasiir ka tirsan Xukuumada uu gabar qurbo joogto ah uu keeno Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay yihiin laba qof oo saxibo ah, xilli aynaan waxba kala socon afadiisii.

Arrinta kale ee ku fajac gelineysa, ayaa waxay tahay marka aad sheedda ka qaado Wasiir la xaragoonaaya gabar uu laba laab dhali karo, taasoo ay muuqaneyso inaanay xaaskiisu ahayn, balse ay ku midoobeen wada socoshada aan banaanayn.

Tani Wasiirada oo kaliya ku gaar maaha ee waxaad kaloo arkeysaa Xildhibaano, Agaasmiye-yaasha Hay’adaha Dowladda iyo Saraakiisha Ciidanka qaarkood, oo hoteelada iyo maqaaxiyadaha ay ku wehlinayaan hablaha yar yar, oo middiba ay midda kale ka dhicin.

Waxaad ku arkeysaa Magaalada Muqdisho Masuul Dowladeed oo gaarigiisa gaarka ah ku wata gabar aanu xaaskiisa ahayn, markaad u kuur gashana aad ogaaneyso inay yihiin waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Boy Friend & Girl Friend).

Dadka degan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ka dheregsan yihiin in Masuuliyiintii Dowladda qaarkood ay noqdeen, kuwo curyaaminaaya mustaqbalka hablaha soo kacaaya, isla-markaana uu badan yahay fusqiga ay ka wadaan Caasimada.

Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaan lahayn hay’ad gaar ah oo la socoto marxaladaha masuuliyiinteeda, waana taa midda keentay in Masuuliyeenteedii lagu dayan lahaa ay bulshadu u horkacdo, waxyaabaha ka dhanka ah Shareecada Alle.

Haddii aynaan Masuuliyiintu waxba ka bedelin dhibaatada ka dhanka ah hablaha Somaliyeed, ayaa waxay Warbaahinta madaxa banaan (Xorta ah) ku dhiiran doontaa, inay soo bandhigto muuqaalo muujinaaya anshax xumida ay furaha kula jiraan.

Isha: dhacdo.com