MAS’UUL sare oo HIIRAAN la toogtay !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysnaa ayaa waxa ay xaafada howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ku toogteen guddoomiyihii deegaannka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan.

Dilka ayaa waxaa geystay Laba ruux oo la sheegay inay ku hubeysnaayen hubka fud-fudud,iyagoona dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Dilka ayaa waxaa xaqiijiyay Max’ed Ibraahim Cabdullaahi oo ah Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan, waxa uuna sheegay in dilka uu ahaa mid ay geysteen Rag bastoolado ku hubeysnaa, balse ay goobta ka baxsadeen.

‘’Allaha u naxariistee kooxo hubeysnaa oo ka koobnaa Laba ruux, ayaa dilay Aadan Max’ed Aadan oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Buq-goosaar, dilka waxa uu ku dhacay si kam ah, waayo raga dilka geystay waxaa loo maleynaayay rag aan wax damacsaneyn laakin nasiib daro waxaa qornaa geerida Guddoomiyaha’’

Waxa uu sheegay in Rag dilka geystay ay  markiiba goobta isaga baxsadeen,waxa uuna Tilmaamay in ciidamo ay u direen goobta uu dilka ka dhacay, hayeeshee aan gacanta lagu dhigin.

Dhanka kale, Max’ed Ibraahim Cabdullaahi waxa uu sheegay in Ciidammada ay ku raad joogaan rag dilka ka danbeeyay, marka gacannta lagu dhigana ay horgeyn doonaa cadaallada.

Waxaan la Ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysay dilka marxuumka, mana jirto cid sheegatay dilka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com