Faah-Faahino kasoo baxaaya dagaalkii dhex maray Puntland iyo Somaliland

Dhahar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deeganka Dhahar oo ku yaalla gobalka Sanaag Berri ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Inta la ogyahay afar askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badan waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Dagaalka ayaa yimid markii wasiir ka tirasan maamulka Puntland uu booqday deeganka Dhahar oo ay isku heestaan maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana la sheegay in wasiirka iyo ciidamada la socday ay la kulmeen iska hor imaad xooggan.

Xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deeganka Dhahar Berri balse, sarkaal u hadlay maamulka Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Cali Saleebaan ayaa sheegay in kooxdii magaalada soo weerartay in ay dib u celiyeen.

Xaaladda deeganka lagua dagaallamay ayaa saakay oo Jimco deggan, balse labada ciidan ayaa ku sugan meelo isku muuqda waxaana xilli kasta la filayaa in dagaal uu dib uga qarxo deeganka sida ay lee yihiin deeganka.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay weli ka cabsanayaan dagaal hor leh oo ka dhacay deeganka Dhahar Berri ee gobalka Sanaag.

Gobalada Sanaag, Sool iyo Ceyn waxaa ku muransan maamulada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo oo laga saaray deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com