Puntland oo ka Jawaabtay go’aankii ka soo yeeray maamulka Galmudug State

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay Maamulka Galmudug uu ku goodiyay inay hakin doonaan howlaha ka socda garoonka Gaalkacyo, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Puntland C/weli Xirsi Cabdulle (Indha-guran).

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay  in Galmudug aysan awood u laheyn inay hakiso Shaqada Garoonka Diyaradaha Gaalkacyo.

Indha-guran oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sidoo kale iska fogeeyay in Puntland ay hakisay Garoonka diyaradaha Galmudug ay  horay u sheegtay in laga xayiray iyo weliba in aysan jirin wararka sheegaya in Shirkadaha Diyaradaha laga joojiyay Garoonkaas Cusub ee Galmudug in ay ka degaan.

Waxa uu Tilmaamay wasiirka in Maamulka Galmudug ay si kale u dhigeyso Arrimaha Garoomada, waxa uuna Carabka ku dhuftay in uusan jirin diidmo loo diiday Maamulka Galmudug iyo Cabdiqaybdiidba inay ka soo degan garoonka Cabdullahi Yusuf, waxa uuna Arrinkaasi Mr Indha-guran ku sheegay mid aan xaqiiq aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Indha-guran oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ‘’Haddalka Galmudug waa mid daan-daansi ah waayo Puntland kama hadasho meel aysan xukumin ama deegaano aan hoos imaan, anagu waxan xukunaa dhulkeena xita qaybo Mudug ka tirsan Puntland ma xukunto shaqana kuma lahan” ayuu yiri indha Guran

Haddalka Wasiir Indha-guran, ayaa imaanaya iyadoo maalinimadii shalay Maamulka Galmudug uu shaaciyay in Garoonka Gaalkacyo ay ka caaganaan doonto duulimaadyada.

Dhanka kale, Puntland ayaa ku howlan sidii ay xal uga gaari laheyd xirnaanshaha Garoomadeeda Macmalka, waxaana la tilmaamayaa in Maamulka Puntland ay gudiyo u xil saarayaan xal ka gaarista garoomada xiran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com