Xog: Gaadiid dagaal iyo maleeshiyo ka baxay G/Dhexe oo gaaray Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Duleedka gobolka, Mudug gaar ahaan Koonfurta Magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in ay halkaas gaareen gaadiid dagaal iyo maleeshiyo ka tagay gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah, ayaa Caasimada Onlline u sheegay in baabuurta dagaal ee halkaas gaaray ay dhan yihiin illaa iyo 31, oo ay saran yihiin maleeshiyo tira badan.

Arrintan ayaa waxa ay imaneysaa ayada oo ay jirto xiisad dagaal oo ka dhex oogan Gal-Mudug iyo Puntland, kadib maamulka Garoowe, uu xayiraad saaray garoon diyaaradeed oo maamulka Gal-Mududg uu sameystay.

Gadiidkaan Dagaal ayaa la sheegay in ay ka tageen Dhuusamreeb, Guriceel, Xaradhere iyo Cadaado ee gobollada dhexe ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan iyo gaadiidka loogu tala galay inay gacan siiyaan Ga-Mudug, haddii ay isku dhacaan ayaga iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com