25 C
Mogadishu
Saturday, February 7, 2026

Xog: Dhaq-dhaqaaqii madaxtooyada & sidii xalay wax u dhaceen, saluug jira.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta oo siyaabo kala duwan wax u doonayay ayaa lagu arkayay xafiisyada Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha si ay uga dhaadhiciyaan rabitaankooda ku aadan ka mid noqoshada xubnaha cusub

Saxaafada oo looga yeeray xarunta madaxtooyada xili hore ayaa gaaray ilaa iyo labadii habeenimo, markaas kadib oo lagu dhawaaqay xubnaha golaha waziirada cusub.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in dib u dhaca waqtigaas danbe in lagaaro ay keentay kadib markii xildhibaanada qaarkood ay saluugeen liiska golaha wasiirada cusub kuwaas oo wax laga bedelay daqiiqadihii ugu danbeeyay sida aynu xogta ku helnay

Socodka xildhibaanada iyo siyaasiin kale ayaa xalay ku badnaa aqalka madaxtooyada Soomaaliya lamana oga go’aanka baarlaamnka iyo waxa ay ka qaadan doonaan xukuumadaan cusub oo uu soo magacaabay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid oo ay ka dhex muuqdaan tiro waziiro ah oo xubnaha baarlamaanka qaarkood uga biya diideen ka mid noqoshadooda golaha waziirada cusub

Xildhibaanada siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee CV-yada geystay oo aan seexan ayaa ka war dhowrayay ku dhawaaqista xubnaha golaha waziirada iyo in ay iska dhex arkaan iyadoo madaxtooyadana xalay taleefanada ay ku badnaayeen marka laga tago kuwa goobta soo gaaray ee galaangalka waday.

Xildhibaanada qaar oo goobta ku suganaa ayaa ku dhawaaqista waziirada cusub iyo xubnaha ay ka dhex arkeen la dhacsanaa sida aan dareenkooda ka dheehanay halka kuwa kalana ay saluugsanaayeen.

Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in xildhibaanada goobta ka maqnaa saaxiibadooda kale oo goobta ku sugnaa ay taleefoon kaga tebinayeen dhaqdhaqaaqa jira iyo hadba halka ay wax marayaan.

Inta badan waziirada xalay lagu dhawaaqay ayey hadal heyntoodu ku jirtay magaalada, waxaana ku badan kooxda Xasan Sheekh.

Xildhibaanada qaarkood waxa ay xalay madaxtooyada ka dhex dhahayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Bal aan aragno halka la geeyo”, “Xasan Sheekh siduu rabay baa wax u dhaceen” iyo erayo kale oo saluug u badnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News