31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

SOOMAALI XAGEY KU SOCOTAA?: Ma la aqbali karaa talaabtii xildhibaanada?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ummadda Somaliyeed waxaa u soo muuqday saadaal ah in la gaari doono doorasho ka dhacda dalka uu qof kasta isku rashaxi karo jagadi uu doono oo u badan tan siyaasadda sida barlamaanka iyo wixi la hal maala.  Laakin waxaa timid su’aal ah dadka siyaasadda dalka hor boodaya maanta ma yihiin kuwo xaqeeji kara himilada dadku higsanaayo oo ah in la helo siyaasiyiin u qalma inay buuxiyaan meelaha bannaan oo aad u tiro badan.

Dadka ku jira barlamaanka barkood waa dad aan lagu aamini karin wax xil ah waayoo waa dad aad u aragti gaaban oo aan fikrad yar ka heysan howlaha loo igmaday…horey ayaan uga sheekeyay xildhibaannada iyo fikradaha ay adeegsadaan iyo mowqifyada ay kala taagan yihiin oo ah wax aad looga xishoodo.  Howshoodu waa MUSHARRAC ama LEGISLATOR oo BARKOD aan hubo inaysan wax fikrada ah ka heysan.  Waa dad aan aqaanin meesha ay uga jiraan xukuumadda.  Waxay soo qoreen warqad  ay R/Wasaaraha ku amrayaan inuusan soo magacaabi karin  AFAR ruux ay magacyadooda meesha ku xuseen, sababaha ay ku diidayaana waa Madaxweynaha ayaa wata!!!  Waa cajiib.!!!  Waryaa idiin fasaxay inaad kala dooratiin ama soo xushiin wasiiro?

Xildhibaanada sidaa u dhaqmaya ma yihiin kuwa ummaddaan mustaqbal mushriq ah u horseedi kara?  Waxay ummaddu  aad u saluugsan tahay Madaxda saree e dalka inaysan arrimaha dhacaya wax tallaabo ah ama fikrad lagu baaji karo aysan fara ugu jirin.  Dadka noocaas ah sidee loola dhaqmaa, waana maxay tallaabooyinka ku habboon in laga qaado si loo dareensiiyo inay waddadi ka habaabeen kuna socdaan jid khaldan oo dalka oo dhan burbur u horseedi kara iyo kala dambeyn la’aan.  Waxa dal ku hormari karo waa kala dambeyn, is-maqal iyo qof kasta oo xil haya lagu abuuro dareen ku saleysan xuduuda mas’uuliyadiisa, qofkii ka tallaaba xadkiisana uu la kulmaayo sharciga waxa uu ka muteysto.  Dadka ku jira barlamaanka xasaanada ay heystaan ma ahan mid aan xad lahayn, waana laga xayuubi karaa markey u dhaqmaan sida kuwa warqadda u qoray R/Wasaaraha.

Xikmadi carabiga oo ahayd  من تركبه علي كتفيك يحاول الصعود علي رأسك

Oo micnaheedu yahay (NINKI AAD GARBAHAGA SAARTO WUXUU ISKU DAYAA INUU MADAXA KAA KORO),

Xildhibaannada aan ka hadleyno waa dad soo gaaray meel aysan weligood ku riyoon, markaasey waxay u dhaqmayaan sidi dad wax ka xaaraan ah aysan jirin waxay doonaana sameyn kara iyadoon lala xisaabtameynin.  Waxaa fiicnaan lahayd in xafiiska Madaxtooyada ama kan R/Wasaaraha uu jawaabta ay mudan yihiin siiyo si ay u dareemaan waxa ay yihiin iyo marxalada dalku hadda maraayo oo ah mid aan loo dulqaadan karin  QASWADAYAAL cusub oo caaboon oo raadinaya inay wax kharribaan si ay danahooda gaarka ah u gaaraan.

Guddoomiye Jawaari waa nin aan jecleyn inuu ka hadlo waxyaabaha agagaarkiisa ka dhacaya oo ay horseed ka yihiin dad uu si fiican u yaqaanno laakin wuxuu ka xishoonayaa inay isku dhacaan xildhibannada ka arradan xishoodka iyo xilka ay hayaan oo u baahan in loo helo dad qaadi kara culeyska uu xilkaanu xambaarsan yahay… waxaan nahay ummaad bukta oo daaweyn loogu keenay takhaatiir wada jirran oon dareensaneyn cudurka loo rabo daawada, waayoo iyagaa buka oo cudurka na daashaday mid ka xun qaba !!!  Maxaad ka fileysaa?

Jirrada na heysa waa ka weyn tahay QABIIL waxayna salka ku heysaa CADAAWAD iyo ISNECEYB aan loo cudurdaari karin ( unjustified and  baseless enmity) . Dowlad Goboleedyadi waxaa madax ka naqday dad bulshada Somaliyeed ay awalba khaati ka taagnaayen waxayna isku magacaabeen “Madaxweyne”  kuwaasoo dhaqankoodu aad iyo aad uga fog yahay darajada ay sitaan…una maleyn maayo in midkoodna uu weligii gaari doono darajadaas.

Dadka intiisa dareenka leh waxay ka naxsan yihiin ururada iyo axsaabta dhismadu ku socoto iyo dadka hor boodaya oo hogaanka u ah ururada  soo baxaya.  Waxaa arrin la yaable dadka ku noqotay qolooyin is-magacaabay oo sameystay guddi uu hogaamiyo Prof. Ghandi iyo ximnaha ka mida guddigiisa oo dadka qaarkood ay yaqaaniin.  Sida loo yaqaanno ururada la midka ah ee soo baxay bilooyinkaan iyagoo higsanaya sannadka hoos ku qoran inay hogaanka dalka qayb naqdaan, waana dad la hubsaday waxa ay damacsan yihiin.  Talyaanigu wuxuu yiraa (dimmi con chi sei ti diro’ quello che sei) oo micnaheedu yahay ( qofka aad la socoto ii sheeg aan kuu sheegee waxa aad tahay).

Soomaali waa ummad geedi ah oo aan ogeyn halkey u socoto iyo waxa la gala kulmi doono marka la gaaro barta noo calaameysan oo ah 2016! Maxaa dhici doona?  Cid saadaali karta ma jirtaa?

WQ: Axmad Calasow

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News