31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

“Halkan Xasan madaxweyne kama aha, waxaa halkaan madaxweyne ka ah…”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo Maamul goboleedyada dalka qaarkood ay siyaabo kala duwan uga hadleen Shirkii guusha ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD ee ka dhacay Muqdisho, ayaa waxaa si taa lamid ah uga hadlay Wasiirka Arrimaha dibada Maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiir Biixi waxa uu sheegay in DF Somalia ay qaaday talaabo ay kusoo celineyso sumcadeeda, balse kulan waliba oo ay ku qabato Magaalada Muqdisho usan saameyn ku yeelan doonin Maamulka Somaliland.

Biixi oo la hadlaayay warbaahinta Somaliland ayaa waxa uu farta ku goday in Somaliland ay iyaduna Madaxda IGAD ku casuumi doonto Magaalada Hargeysa waa haddii ay u suuragasho dadaalada ay ugu jiraan gooni isutaaga ay xiligaani baadi goobka ugu jiraan.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha DF Somalia uu yahay Xasan Sheekh Maxamuud, halka Somaliland uu madaxweyne ka yahay Axmed Siilaanyo, taasi oo uu ula jeedo in Xasan Sheekh uu u madax banaan yahay inuu Muqdisho ku casuumo Madaxda dhigiisa ah.

”Xasan Sheekh halkaan madaxweyne kama aha, Somaliland waxaa madaxweyne ka ah Siilaanyo” ayuu yiri.

Dhanka kale, waxa uu Wasiir Biixi DF Somalia ku dhaliilay ka bixida heshiiskii ay ku kala saxiixdeen dalalka Turkiga iyo Jabuuti kaasi oo ahaa inaan laga hadlin wax waliba oo garaafeyn kara Somalia ama Somaliland, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay in DF ay faragaliso arrimaha shirkadaha Macdanta ka baadi goobaya Deegaanad Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News