Munaasabad lagu xusaayay dhalashada Nabbigeenna Muxammed NNKH, ayaaa lagu qabtay Sabtidii (01/10/15) magaalada Barron, gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka.
Munaasabaddan, oo si weyn loo soo agaasimaya, ayaa waxa ka soo qeyb galay cullimo awddiin ka kala yimid gobollada qaar ee dalka Mareykanka iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Barron, WI iyo magaalooyinka kale ee u dhow dhow.
Culimo, ay ka mid ahaayeen Shariif Maxamuud Shariif Cali, Sheekh Cabdilqaadir Xaashi (Baajuuri), Sheekh Maxamed Cabdi Caafi, Sheekh Saciid Maaddix, Sheekh Cabdinuur Khaliif, Sheekh Cabdilhaaddi Cali Kulane iyo culimo kale, ayaa muxaadarooyin iyo taariikhda Nabbigeenna Muxammad ka soo jeediay masjidka Taqwa oo u xuska Mowliidku ka dhacay.
Shariif Maxamuud, oo ka hadlay ahmiyadda weyneynta dhalashada Nabbigeenna Muxammad NNKH, ayaa sheegay in ay tahay wax looga baahan yahay qof kaste oo Islaam ah, islamarkaasina bulshada Soomaaliyeed la doonayo inay taasi ku baraarugsanaadaan. Sidoo kale Sheekh Cabdilqaaddri Xaashi (Baajuuri), ayaa isna bulshada ku baraarujiyay inay ku dhegganaadaan diintooda ayna mar kaste weyneeyaan Nabbigeenna Muxammad NNKH.
Gabagabadii, ayaa culimadan waxay bulshadii ka soo qeyb gashay xuska dhalashada Nabbi Muxammad u siiyay fursado ay su’aalo ku weydiiyaan ayna ka bogtaan wixii kaga jira mugdi, kuwaas oo culimaduna bayaanineysay.
Sanadkaste, bishan oo kale (Rabiicul Awal) ayay bulshada Islaamka waxay xusaan dhalashada Nabbigeenna Muxammad NNKH.




Jamaal A. Cismaan
Barron, WI, USA

