XOG: Dhaqaale badan oo DF Somalia ay ka heli lahayd CARABTA oo lagu waayay Fowsiyo Yuusuf Xaaji darteed

Washington DC (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kal soonaan karo oo ka tirsan xafiiska wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in waddamada carabta dhaqaalo badan oo ay siin lahaayeen dowladda fedaraalka ee Soomaaliya lagu waayay xilka ay heeso Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan.

Sababatu maxay tahay?

Dadka xog-gaalka ah ee la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in sababta ay tahay, waddamada carabta waxa ay saluugsan yihiin xilka ay heeso Marwo Fowsiyo, oo ulama jeedaaan wax-qabadkeeda ee waxa weeye waxaaba ay ka soo horjeedaan in qof dumar ah loo dhiibo xilkaas culus, waxa ay ka jecelaan lahaayee in qof rag ah loo dhiibo .

Waddamada Carabta ma jecle in ay dumarka xilal u dhiibaan. Taa macnaheedu maha in madaxda Carabta ay ku dhaqmaan diinta, balse waa haweenka oo aan agtooda qiimo weyn ka joogin.

Dowladda halkaas waxa ay ku weysay dhaqaale badan oo ay ka heli lahayd waddamada Carabta, waxaana la lee yahay dhaqaalaha iyo taageerada dowladda ay heshay inta badan waxaa bixiyay waddamada reer galbeedka.

Dowladda waxaa loo sheegay farsamo ay dhaqaale ku heli karto, maxay tahay?

Sida ay lee yihiin dadka aan ka soo xiganay warkan, dowladda markii ay ogaatay in dhaqaale badan oo ay ku weysay xilka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, waxa ay billowday la tashiyo, iyo sida ay farsamo u heli lahayd ay dhaqaalaha uga hesho waddamada carabta.

Waxaa dowladda loo sheegay in wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Abuukar Gacal loo diro waddamada Carabta balse arrintaas madaxda carabta waa ay ku fahmeen dowladda.

Dhawaan waxaa dowladda ay dalka Sucuudiga heshiis kula soo saxiixatay Bangiga Islaamka waxaa halkaas dowladda u saxiixay wasiiru-dowlaha arrimaha dibeddda.

Sidoo kale heshiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Yemen waxaa loo diray wasiiro-dowlaha arrimaha dibadda.

Dad badan oo odorasa siyaasadda Soomaaliya, waxa ay lee yihiin wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waa wasiirka kaliye ee shaqadiisa sida haboon uga soo baxay marka loo eego 10-ka wasiir ee xukuumadda Saacid.

Waxa ay aqoonsiyo caalami ah ka keentay waddamada reer galbeedka, iyo Qaramada Midoobay, waxaa Soomaaliya loo qabtay shirar caalami ah oo uu ugu dambeeyay kii ka dhacay Brussels ee New Deal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Caasimada@live.com