30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Lacag badan oo mar kale lagala baxay Bangiga Dhexe iyo 2 mas’uul oo lagu tuhmayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Bangoga Dhexe ee Dowlada Somalia, ayaa sheegaya in Qasnada Bangiga lagala baxay dhaqaale lagu sheegay ilaa 11 Milyan oo dollarka Mareykanka.

Dhaqaalahaani ayaa la sheegay in Qasnada laga saaray inta lagu guda jiro kala guurka, waxaana bixinta dhaqaalahaasi looga shakisan yahay Wasiirka Maaliyada Fargeeti oo adeegsanaaya awoodiisa iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somlia Dr Bashiir Ciise Cali.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in dhaqaalahani lagala baxay Qasnada ka gadaal markii Madaxweynaha dalka uu todobaadkii tagay, Bangiga ka qaatay dhaqaale xoogan, waxa ayna tani kasoo hartay dhaqaalaha uu la baxay Xasan Sheekh.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Bangiga ayaa xaqiijiyay in maalmihii lasoo dhaafay Wasiirka Maaliyada uu dhaqaale kala baxay Bangiga Dhexe, taa oo uu ku maraayay Doorashada uu ku fashilmay ee Aqalka Hoose.

Sargaalkaani waxa uu tilmaamay in dhaqaalahaasi Qasnada looga saaray si isfahan ah, waxa uuna cadeeyay in buuqa ka dhashay bixinta dhaqaalahaasi uu wali yahay mid ka taagan Bangiga.

Waxa uu intaa ku daray Sargaalkaani in Qasnada Bangiga dhexe uusan ku jirin wax dhaqaale ah, wuxuuna sheegay in dhaqaalihii ugu badnaa dhawaan loo raray Madaxtooyada Somalia, halka inta soo hartayna si xatooyo ahaan loogala baxay Bangiga.

Qasnada Bangiga Dhexe ayaa waxaa gudaha Sanadkaani muddo Seddex Jeer lagala baxay dhaqaale xoogan, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhaqaalahaasi qaarkood loo weeciyay Madaxtooyada Somalia.

Dhinaca kale, Madaxda Dowlada Somalia ayaa si xad dhaaf ah u istimaala dhaqaalaha keydka u ah Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News