26.2 C
Mogadishu
Tuesday, November 11, 2025

Xog: Dibad-baxyo xoog leh oo ka dhan ah DF oo maanta laga qorsheynayo Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in maanta oo Talaado ah la qorsheyey inay magaalada Muqdisho ka dhacaan bannaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah hoggaanka dowladda federaalka.

Banaanbaxyadaas waxaa la sheegay inay abaabulayaan musharaxiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas madaxweynaha haatan ku eedeeyey in uusan dooneyn in doorashada lagula tartamo.

Si gaar ah, waxay sheegeysaa xogta aan helnay in banaanbaxa maanta qorsheysan ay gadaal ka riixayaan xubnaha golaha midowga musharaxiinta oo ay ku bahoobeen musharaxiinta kuwooda ugu miisaanka culus ee dhanka siyaasadda.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Midowga Musharaxiinta ayaa sheegaya in bannaanbaxa uu ka dhici doono dhowr goobood oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in hadii sidii loo qorsheeyey ay u dhacaan banaanbaxyadaas ay bilow u yihiin bannaanbaxyo xiriir ah oo maalmaha soo socda ka dhigi doona magaalada Muqdisho.

Ujeedka banaanbaxyadaas ayaa lagu tilmaamay mid lagu diidayo qorshaha Madaxweyne Farmaajo, oo sida la sheegay doonaya inuu dalka ka qabto doorasho hal dhinac ah oo uu maamulkiisu boobo.

Midowga Musharaxiinta iyo madaxda maamul goboleedyada qaar, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland ayaa marar badan oo hore aad u dhaleeceeyey hanaanka loo hir-gelinayo doorashada dalka, iyagoo sheegay in howlaha doorashooyinku ay u afduubanyihiin garabka madaxweyne Farmaajo oo kaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News