Xog: Dood ka taagan isku day ciidanka Ilaalada looga qaadi rabo Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Ahmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxay dood culus ka taagan tahay amar lagu bixiyay in ciidanka ilaalada ah laga qaado madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dooddan ayaa u dhaxeysa xubno ka tirsan xafiisyada madaxweynaha iyo iyo taliyaha ciidamada Xoogga General Odawaa Yuusuf Raage, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay badashay dhamaan ciidankii Koofiya Casta ee ku sugnaa Muqdisho, waxaana lagu badalay ciidan cusub oo Koofiya Cas, halka kuwii hore loo wareejiyay gobolada dalka gaar ahaan Shabeellada Hoose.

Ciidamada Ilaaliya madaxtooyada Soomaaliya oo dhalasho ahaan u badnaa beelaha HirShabelle iyo Galmudug ayaa hadda aad loogu yareeyay tirada ka joogta Madaxtooyada waxaana ku badan ciidamada ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Gedo, kuwaas oo la wareegay dhamaan Kontaroolada laga soo galo Villa Somalia iyo gudaha madaxtooyada.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ilaalo u ahaa tobaneeyo kamid ah Koofiya Casta Madaxtooyada, waxaana hadda amar lagu bixiyay in laga badalo laguna wareejiyo ciidan cusub oo tira ahaana aad uga yar, sidoo kalane aysan heyb ahaan is laheyn taas oo abuurtay walaac xoog leh.

General Odawaa ayaa ciidankii hore ilaalada u ahaa Madaxweynayaashii hore ku qoray Taliska Guud taas oo ka hor tagaysa in la badalo waxaana Odawaa ku qabsaday Madaxweynaha.

Wararku waxay sheegayaan in uu jiro khilaaf arrintaas ka dhalatay kadib markii Odawaa uu diiday in ciidanka uu badalo.

“Ma badalayo ciidankaas inta aan ahay Taliyaha Xoogga, markii aniga lay badalo ayaa badali doontaan” ayuu yiri Odowaa sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan saraakiisha Xoogga.

Dowladda Soomaaliya ayaa damacsan tiro yar oo ciidan cusub ah u qorto madaxdii hore sida hore min laba askari loogu reebay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ilaa hadda muujinaya walaac iyo cabsi xoog leh.

Villa Somalia ayaa cadaadis dhanka amaanka ah saartay dhamaan mucaaradka waxayna ka reebtay ciidankii ilaalada u ahaa halka qaarkoodna aad looga yareeyay tirada ciidanka ilaaliya taas oo abuurtay xaalad cabsi ah oo aad u ballaaran.