28.1 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Dowlada Ethiopia oo ka carreysan XASAN SHEEKH (Maxa la isku qabtay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Online u sheegay in kulan dhex maray Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowlada Ehiopia oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Diblumaasiyiin uu kusoo idlaaday is fahan waa kadib markii Madaxweyne Xasan uu ka baxay balan uu ka qaaday Ethiopia.

Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraya in Madaxweyne Xasan uu Dowlada Ethiopia u balan qaaday in Ra’isulw asaaraha dalka uu ka dhigi doono Xuseen Cabdi Xalena, oo Ethiopia aad ugu dhow, balse uu Xasan baayacay heshiiska.

Waxaa lagu warramayaa in Ethiopia aysan raali ka ahayn in Cumar Cabdriashiid loo magacaabay ra’iisul wasaare, ayna isku dayday inay hor-istaagto, balse madaxweynaha uu diiday arrintaas, balse Xasan Sheekh uu ku gacan seeray.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Ethiopia uu ka dortay Mareykanka iyo dalalka Yurub, oo gadaal ka riixiyey Cumar Cabdirashiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News