Xog: Dowlada Farmaajo oo u muuqaal eg mid yeelaneysa dhowr Ra’isul wasaarayaal & Faragalin dadban oo socta

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu xiligaani si toos ah uga tallo qaadanaayo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanadaasi wax ka weydiinaaya sida isbedel loogu sameyn lahaa Siyaasada dalka iyo Hanaanka xulista ee Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Tallooyinka Xildhibaanada ayaa la xaqiijiyay in miisaan ay ka leeyihiin dhanka Madaxweynaha isagoo inta badan Talooyinkaasi ka dhaqan galiyay Xafiiskiisa.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in Xildhibaanada qaar ay Madaxweynaha u hayaan shaqooyinkii loogu tallo galay Ra’isul wasaaraha sida arrimaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa Ra’isul wasaaraha ku amra fulinta tallooyinka kasoo baxa Xildhibaanada waxa ayna talaabadaasi muujineysaa in Dowladu ay yeelatay Ra’isul wasaarayaal dhowr ah, sababo la xiriira shaqooyinka Ra’isul wasaaraha oo ay dhinacooda kawadaan Xildhibaanada.

Sidoo kale, xulista Golaha Wasiirada ayaa waxaa kaalin ku leh Xildhibaano dhowr ah oo horay usoo doortay Farmaajo kuwaa oo bedelkooda Xukuumada cusub kusoo darsanaaya Shaqsiyaad ay iyaga wataan.

Dowladihii ka horeeyay Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu tilmaami jiray inay yihiin kuwo ka horeeya sharciga dalka, waxa ayna tani u muuqaneysaa mid durba dhinacyo kala duwan ka shaabaheysa Dowladihii hore.

Si dhab ah looma xaqiijinkaro dhibta ay talaabadaani ka dhex abuuri karto Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com