(Dhacdo Cusub): Hal shardi oo waajib ku ah shaqsiyaadka ka mid noqon doona Wasiirada Xukuumada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa aadan horey u arag ayaad dabcan ka filaneysa xubnaha is badal doonka la baxay ee qabsaday xukunka Villa Somalia 8dii Febraayo.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo waqti kooban magacaaban ayaa wali ku mashquulsan xulista xubnaha ka mid noqnaya xukuumadiisa.

Laakiin xog aan ka helnay Villa Somalia ayaa u muuqata mid wax badan xiiso u yeeli doonta xukunka cusub ee madaxweyne Farmaajo.

Qof kasta oo laga aqbalo codsigiisa oo ay madaxda Dowladdu isku raacaan inuu wasiir noqdo waxaa laga rabaa inuu hantidiisa keeno guud ahaan, kadib waxaa lagu wareejin doonaa Bankiga dhexe kaas oo diiwaan galin doona, sidoo kalana la socon doona.

Waxaa dib loo  fiirin doona maalinta uu ka tagaayo xafiiska wixii kusoo kordhay hantidiisa waxaana laga rabaa inuu sharaxo wixii hanti dheeraad ah ee uu helay intii uu wasiirka ahaa iyo meesha uu ka keenay.

Arintaan ayaa la aaminsan yahay iney Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre doonayan iney kaga hor tagaan musuq maasuqa baahsan ee ka dhex jira wasaaradaha Dowladda Somalia.

Waa markii ugu horeysay oo Shuruud nuucaan lagu daro xulashada golaha wasiirada , Hantida wasiirka looma soo bandhigo doono dadweynaha iyo saxaafada.