Farmaajo oo RW Kheyre ku amray inuu arrintaan si deg deg ah u qabto haddii kale…

Muqdisho (Caasimada Online)-  Waxaa marba marka kasii dambeyso dib usii dhacayo soo magacaabist golaha wasiirada oo looga fadhiyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre taasoo ay ugu wacan tahay khilaafka iyo loolanla ay wadaan beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa laga filayey inuu asbuucii dhamaaday soo magacaabo golaha wasiirada waxayna dib ugu dhacday asbuucaan hadda bilawga ah waxayna warar kale oo soo baxayo sheegayaan inay macquul tahay in la isla gaaro ilaa 30-ka maalin ee uu dastuurka u ogol yahay Ra’isulwasaaraha inuu golihiisa wasiirada kusoo magacaabo.

Haddaba warar hoose oo soo gaaray caasimadda Online  ayaa xaqiijinayo inuu Madaxweynaha Soomaaliyeed ku amray Ra’isulwasaare Kheyre inu si deg deg ah usoo magacaabo golaha wasiirada, haddii kalana ay dowladda lumin doonto waqti ay shacabka ugu adeegi laheyd.

Madaxweynaha ayaa markii uu Ra’isulwasaaraha magacaabayey ka codsaday inuu muddo 15 maalin kusoo magacaabo golaha wasiirada si ay xukuumadda waqti hore shaqo u qabato maadaama ay kusoo jeedaan indhaha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa isna xilligaas ka dhawaajiyey inuu si deg deg ah usoo magacaabi doono golihiisa wasiirada balse midaas ma dhicin waxaana ka hor yimaaday caqabado tiro badan oo kaga imaaday shaqsiyaad iyo beelo.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku mashquulay qancinta beelaha Soomaaliyeed oo isku heystay wasiirada ugu muhiimsan ee xukuumadda taasoo keentay inuu markii dambe Ra’isulwasaaraha ka codsado beelaha inay usoo gudbiyaan liiska shaqsiyaad ay rabaan in wasiiro loo magacaabo kadibna uu isaga go’aan ka qaato cidda uu magacaabi doono.

Beelaha ayaa si weyn usoo dhaweeyey codsiga Ra’isulwasaaraha waxayna u madax baneeyeen magacaabista iyo xulista xubnaha kamid noqonayo golaha wasiirada.

Haddaba amarka cusub ee uu madaxweynaha siiyey Ra’isulwasaaraha ayaa kusoo aadeyso xilli ay mar kale dib u dhac ku timaaday waqtigii la filayey inuu Ra’isulwasaaraha ku dhawaaqo golihiisa wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com