Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa la xaqiijiyay in malaayiin dollar ay ugu deeqday dowlada Somalia, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.
Lacagtani malaayiinka ah ayaa waxaa bixiyay Boqortooyada Sacuudiga, taa oo loogu tallo galay in lagu kordhiyo miisaaniyadda xukuumadda ee sanadkan 2017.
Lacagtani ayaa cadadeeda lagu sheegay inay gaareyso 50 Milyan oo Dollar, waxa ayna timid kadib markii ay dalbatay dowlada Federaalka ah ee Somalia.
Dalabka lacagtani ayaa waxa ay kasoo baxday Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo dhawaan laba safar ku bixiyay magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudiga.
Dalabka Madaxweynaha ee lagu bixiyay miisaaniyadani ayaa ahaa in la kabo miisaaniyadda Soomaaliya maadaama ay dowladu tahay mid aan heysan dhaqaale ku filan oo ay ku bixinkarto xuquuqda madaxda iyo shaqaalaha qeybahooda kala duwan.
Salmaan Bin C/casiis oo ah Boqorka Sacuudiga ayaa amray bixinta lacagtaasi oo dhan 50 milyan Dollar, taa oo dhawaan soo gali doonta gacanta DFS.
Waxaa suuragal ah in dib u dhac kooban ay ku imaado xiliga lacagtaasi loogu tallo galay inay soo gasho gacanta DF, sababo la xiriira kasoo saarida Bangida Sacuudiga.
Sacuudiga ayaa dhinaca kale deeq balaayiin dollar ku kaceyso u balanqaaday Soomaaliya iyadoo wasiiro ka socda xukuumadda Soomaaliya ay gaaren magaalada Riyadha ee Sacduudiga.
Si kastaba ha ahaatee, deeqda dowlada Sacuudiga ayaa kusoo beegmeysa xili ay xasarad kala dhexeyso dowlada Qadar oo saaxiib dhow la ah Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]