26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: DF oo safiir u magacowday nin uu Axmed Madobe ku qasbay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa safiir u magacaabay wasiirkii hore Boostadda iyo Isgaariinta Guleed Xuseen Qaasim oo dhowaan xilka laga qaaday markii uu sidaasi dalbaday Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.

Kulanka Golaha wasiirada ee shalay ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hor geysay qorshe safiir looga dhigay wasiirka hore, taasoo ay taageereen isla markaan ay ansixiyeen xubnaha Golaga Wasiirada uu guddoomiyay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Golaha wasiirada ayay caado u noqotay inay ansixiyaan shaqsi safiir loo magacaabayo iyadoo aan la sheegin dalka uu safiirka ka noqonayo, waxaana arrintaas dib ka qora madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Go’aanadii shirka golaha wasiirada ee shalay ayaa lagu yiri”Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Guuleed Xuseen Qaasim loo magacaabo Safiir, waxaana cod caqlabiyad ku ogolaaday Golaha”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News