Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada Somalia, ayaa xaqiijiyay in Dowlada Ethiopia ay wado ololo Danjiraha IGAD ee Somalia looga dhigaayo Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Xukuumada Somaliya Maxamed Jaamac Mursal Geelle oo heysta Baasaboor Ethiopian ah.
Ololaha Wasiirka looga dhigaayo Danjiraha IGAD ee Somalia ayaa si siman uga socda Safaarada Ethiopia ee magaalada Muqdisho, Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia iyo Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda Ethiopia oo iyagu ahmiyad u arka in muwaadinkooda laga dhigo Danjiraha IGAD.
Warqado ka baxay Dowlada Ethiopia ay loo kala diray Dowladaha qeybta ka ah IGAD si ay uga tallo bixiyaan suuragalnimada in Maxamed Jaamac Mursal Geelle oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Xukuumada Somaliya looga dhigo Danjiraha IGAD ee Somalia.
Dowlada Ethiopia ayaa dadaal ku bixineysa sida ay ku hanalaheyd Siyaasada Somalia oo iminka ay ku heyso faragalin, waxa ayna muhiimad u aragtaa in muwaadinkooda uu wareegaani qabto xilka IGAD ee Somalia.
Dhawaan ayay aheyd markii xilka Danjiraha IGAD ee Somalia laga qaaday Maxamed Cabdi Afey, mana jirto mas’uul ay IGAD ilaa iyo iminka u magacaawday xilkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]