Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa ku taameysa inay qabsato Dalka Somalia si ay uga faa’iideysato kheyraadka dayacan ee ku jira dhulka Soomaalida.
Dowlada Ethiopia ayaa sida aan horay u shaacinay dajisay qorshooyin cusub oo ay ku hantineyso dhulka Somalia, iyada oo dooneysa in sanadaha soo socda Somalia ay ku biirto dowlada Ethiopia, waa haddii aan wax laga bedelin hab dhaqanka Siyaasiyiinta dalka, gaar ahaan kuwa aan talada u dhiibanay.
Dowlada Ethiopia ayaa hanashada dhulka Somalia u mareysa in gudaha iyo Gobolada dalka Somalia ay ku dhex abuurto qoysas Oromo ah kuwaasi oo dalka kusoo gala qaabab kala duwan oo ifafaaladeedu iminka ay muuqato.
Laga soo bilaabo sanadii 1991 waxaa dalka Somalia kusoo qulqulaayay Oromo farabadan kuwaasi oo degnaansho ka dhiganaayay Gobolka Bari, Baydhabo, waxa ayna taasi ujeedkeedu aheyd inay ku faafaan Dalka Somalia oo ay ku carruur dhalaan, si mustaqbalka dhaw ay Soomaalida ula qeybsadaan dhulka.
Xeel-dheerayaal arrintaani xogagaal u ah ayaa xaqiijiyay in Oromada qaar ay soo dirtay Dowlada Ethiopia si aysan faquuq ugala kulmin Soomaalida maadaama badan kooda ay yihiin Soomaali, kuwaasi oo badankooda iminka guursaday Hablo Soomaaliyeed, halka Gabdhahooduna ay ka guursadeen Ragga Soomaalida si ay kugu dhexmilmaan dadka Soomaaliyeed.
Mursal Maxamuud ”Food-cade” oo kasoo jeeda Gobolka Barri ayaa sheegay in deegaanadooda ay iminka ku noolyihiin Oromo farabadan oo uu sheegay in xuquuqda ay la siman yihiin Soomaalida kale ee ku nool Gobolka.
Waxa uu sheegay in Oromada kusoo foofeysa dalka Somalia ay qeyb ka tahay Damaca Siyaasadeed ee Dowlada Ethiopia, waxa uuna carab dhabay in Ujeedka uu yahay in Dowlada Ethiopia ay mustaqbalka dhaw sheegato Somalia.
Mid kamid ah Odayaasha magaalada Muqdisho oo ka gaabsaday Magaciisa sababo amni darro, ayaa isna sheegay in magaalada Muqdisho kaliya ay ku noolyihiin ku dhawaad 1 Milyan oo Oromo ah balse sheegta qabiilo kale, waxa uuna farta ku goday in badi ay guursadeen Dumarka Soomaalida si ay ugu dhexmilmaan Soomaalida.
Isaga oo arrintaani ka hadlaayay ayuu yiri ”Oromada inta aysan soo galin magaalada Muqdisho waxa ay sanad kusoo nagaadan magaalada Baydhabo si ay usoo bartaan af maayga, goortii ay Muqdisho soo galaan waxa ay sheegtaan inay yihiin Eelaay maadaama ay afkii bartaan kadib waxa uu baranayaa luqada Soomaaliga saxda ah, muddo kadibna waxa uu sheeganayaa inuu kamid yahay Beelaha Soomaaliyeed”
”Waxaan qabaa in dib baaritaano loogu sameeyo arrintaani waayo Dowlada Ethiopia Muwaadiniin badan ayay ku dhex beertay dalka Somalia si mustaqbalka dhow ay Somalia u sheegato”
”Dabcan haddii Oromada ay barato luqada Soomaaliga ee Saxda ah xuquuq ayay ku yeelanayaan dalka, waxaa dhici doonta in Dowlada Ethiopia ay Madaxweyne nooga dhigto Nin Oromo ah oo muddo kusoo dhex noolaaday Soomaalida haddii aan indhaha la kala furin”
Arrintaani ayaa muujineysa in Dowlada Ethiopia ay Juhdi badan ku bixineyso sida ay ku hantin laheyd dalka Somalia oo ay dadkiisu dayaceen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]