Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Maamulka uu ku guda jiro qorsho uu dalka Ethiopia kaga iibinaayo Warshadii Shamiintada Somalia ee Berbera.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Magaalada Berbera ay iminka ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Ethiopia kuwaasi oo indha indheynaaya agabka warshada, iyadoona ay taasi barbar socto wada-xaajood lagu kala iibsanaayo Warshada Sibirka oo qeyb ka ah hantida Qaranka Somalia.
Warshadaani sameysa Shamiintada ee ku taala Magaalada Berbera ayaa kamid ah Hantidii Dowlada ee ka badbaaday boobkii ka dhacay dalka Somalia kadib dhicitaankii Dowlada Maxamed Siyaad barre.
Lama sheegin qiimaha rasmiga ah ee lagu iibinaayo Warshadaasi, waxaana la tilmaamayaa inay garwadeen ka yihiin Ganacsato kasoo jeeda Deegaanada Somaliland oo xiriir la wadaaga Dowlada Ethiopia.
Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer oo sii horeysay Dowlada Ethiopia ka iibiyay qalab warshado kale oo halkaasi ku yiilay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]