FASHIL siyaasadeedka ka iman kara tallaabadii ay qaaday DF Somalia ee ka dhanka ah Sweden

Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa caanihii aan fiiqsi loo cabin feeraha ayeey wax u dhimaan, sidaas si la mid ah tallaabadii siyaasadeed ee aan ka fiirsi loo qaadinna masiirka ummaddey wax yeeleysaa.

24-kii bishan dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo saartay qoraal ay ku cambaareyneyso dowladda Sweden oo ka mid ah dowladaha Soomaaliya u muujiyay taageera siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho intaba markii uu qaran jabku nagu dhacay.

Cambaareyntani waxay timid markii wasaaradda arrimaha gudaha Sweden ay boqortooyada sacuudiga ku cambaareysay xad-gudubyo dhinaca xaquuqda aadanaha ah.

Qaar ka mid ah wadamada carabta ayaa iyagoo eeganaya danaha wadamadooda iyo siyaasadooda qaranka is garab taagay sacuudiga, dowladda Soomaaliya oo u muuqata in aysan wax badan talada rog-roginna waxay si indha la’aan ah ugu daba feyshay liiska wadamada Sweden cambaareeyey.

Sweden oo qaaradda yurub ah iyo sacuudiga oo Eeshiya ah sina uguma soo kala sokooyaan Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waa dal geeska qaaradda Afrika ku yaalla, mar walbana waxaa sokeeye u ah kii garab taagan ummadan.

Waa dhab sacuudigu waa maamul islaam ku abtirsada, waana dal carbeed, laakiin maxaa laga dheefay oo aan ka aheyn tarxiilka iyo dhibaateynta kumanaan Soomaaliyeed oo dalkooda u magangalyo doontay.

Si kasta oo ay ahaataba waxay illa tahay in ay ku wanaagsan tahay in la ilaaliyo xiriirka labada dal oo aan dhinac gaar ah leys xajin sababtoo ah lagumaba qasbaneyn in la yeelo sida hadda dhacday.

Sweden oo la ogyahay taageeradii iyo is garab taaggii ay sameysay markii uu qaran jabku nagu dhacay, ayaa la goostay in laga xigsado baqortooyada sacuudiga oo sanadkii tagay oo kaliya dalkeeda si arxan darro ah uga soo masaafurisay shacab badan oo Soomaaliyeed.

Laakiin Tan ayaan ahayn markii ugu horreysay oo sal fudeyd siyaasadeed lagu dhaco, 7dii bishii juun ee sanadkii hore 2014-kii wafdi heer sare ahaa oo uu horkacayay madaxweyne xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay xafladii caleema saarka ee madaxweynaha Masar C/fitaax Assiisi ka qeyb galka xafladaasi kama farxineyn dowlado badan oo Soomaaliya ay ka hesho taageero dhinacyo kasta ah sida Turkiga, Qadar,Iiraan, iyo kuwo kaloo badan.

Sidoo kale isla Sanadkii hore markii ay wadamada waaweyn ee dunida ku murmeen arrinta Nukliyeerka Iiraan ayaa dowladda mareykanka iyo xulufadeeda waxay soo saareen cambaareyn loo jeedinayo dowladda Iiraan oo lagu tilmaamay dowlad aan nabad rabin.

Liiska wadamada Iiraan cambaareynayay Soomaaliya waxay kaga jirtay safka hore, la yaabka xitaa waxay ka horreeysay wadamo ka ciidan xooggan, ka dhaqaale badan, ka siyaasad horumarsan isla markaana ka shacab badan.

Bishii July ee Sanadkii hore 2014-tii ayadoo ay dagaallo iyo amni xumo ka jiraan gobolada shabeelooyinka oo deris la ah caasimadda ayay dowladdu ciidan nabad illaalin ah u dirtay wadanka Suudaanta Koonfureed.

Dabcan wey dhici kartaa in arrinta laga eegay dhaqaalaha ciidankaasi ay helayaan, laakiin dad badan ayay la aheyd in sugidda amniga gudaha uu ka muhiimsan yahay daqli yar oo loo helo boqolaal askari.

Dulucda sheekada, qof kasta oo garasho leh way u muuqata in cambaareynta Sweden lagu degdegay sidii loogu degdegay tallaabooyinkii siyaasadeed ee hore loo qaaday.

Sweden oo kaliya waxaa si caadi ah ugu nool sadex kun oo Soomaali ah bal qiyaas kaliya haddii dowladda Sweden iyo xulufadeeda ay qaataan go’aan ay wadamadooda uga saarayaan muwaadiniinta Soomaalida maxaa tabar ah oo ay dowladda hadda jirta u heli kartaa, Iskaba daa in siyaabo kale cambaareynta looga jawaabee.

Bal qiyaas haddiiba dowladda Federaalka ay leedahay awood buuxa oo ay wax ku cambaareynayso waxna ku dhaliisho, maxaa looga aamusay xad-gudubyada ku dhaca shacabka Soomaaliyeed ee loogu geysto, Sacuudiga, Liibiya, Kenya, Itoobiya iyo wadamo kale.

Maxaa inta badan looga gaabsadaa faragelinta siyaasadeed, Milatari iyo sirdoon ee dowladaha qaarkood.

Dad badan ayaa aaminsan in tallaabooyinka siyaasadeed ee maanta la qaadayo ay la mid yihiin kuwii ay qaaday dowladdii kacaanka sanadkii todobaatameeyada ee sofiyeetiga xiriirkiisi lagu xumeeyey reer galbeedna lagu hungoobay.

Haddii aanu garashada siyaasadeed iyo aqoonta maamul shaqeyn, waxaa shaqeyn doonna inta kuwaasi lidka ku ah. Natiijaduna ma qurux badnaan doonto

W/Q:- Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid