Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo ku kala aragti duwan qorshaha buuxinta kuraasta faaruqa ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay wararka nagu soo gaarayaan waxaa Xarunta Villa Somalia ka socda kulamo joogta ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Kulamada is xigxiga ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa salka ku haya wadatashi ku aadan buuxinta Kuraasta Xukuumada iyo Hay’adaha amaanka ee faaruqa ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ku kala duwan qorshaha lagu buuxinaayo Kuraasta weli faaruqa ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaba in si dhaqsi leh lagu buuxiyo dhammaan Kuraasta dhowrka bil banaan ee Xukuumada iyo Hay’adaha amaanka, halka Kheyre uu qabo in la dib dhigo buuxinta Kuraasta.

Farmaajo ayaa Kheyre ku adkeeyay in si dhaqsi ah lagu buuxiyo boosaska weli banaan, waxa uuna farta ku goday in banaanida boosaskaasi ay tahay qeyb kamid ah caqabadaha hortaagan dowlada.

Kheyre ayaa sidoo kale qaba in kuraasta banaan buuxintooda ay imaado wixii ka danbeeya xalinta caqabadaha hortaagan dowlada.

Waxa uu Kheyre sheegay in dowladu aysan u shaqo joojin banaanida Kuraasta Wasaaradaha ka banaan iyo Taliyayaasha Hay’adaha NISA iyo Booliska.

Kuraasta banaan ayaa waxaa ku jira Kuraas muhiim ah sida Wasiirka Owqaafta, Taliyayaasha Hay’adaha NISA iyo Booliska.

Dhinaca kale, labada mas’uul ayaa isla fahmay ahmiyada ay leedahay in la magacaabo Kuraasta banaan, waxaana lagu wadaa in kulanka ugu horeeya ee uu yeelan doono Golaha Wasiirada lagu magacaabo boosaska faaruqa ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com