Taliyaha ciidanka xoogga oo si kulul ugu jawaabay hadalkii la-taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa markii uhoreysay si kulul uga hadlay Warqad ka soo baxday Lixdii Bishii hore, Xafiiska La Taliyaha arimaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali.

Warqada La Taliyaha ee soo baxday Bishii hore oo Nuqul kamid ah la gaarsiisay Xafiiska Janaraal C/Wali Jaamac Gorod ayaa looga hadlay arimo Khuseeya Ciidanka oo ay qeyb ka eheyd In Sirta Ciidanka aan lala wadaagin Beesha Caalamka iyo Inaan amar la’aan la qeybin Rasaasta iyo Hubka Ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo Soo saaray Warqad Jawaab u eheyd mida La Taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay ineysan shaqadiisa eheyn ka hadalka arimaha ku saabsan Ciidanka, Ciidankana ay toos uhoos yimaadaan arimihiisa Janaraal Gorod.

Warqada Taliyaha oo laga dheehan karay Carada uu ka qaaday Qoraalka hore ayaa lagu sheegay in qaab qoraaleedkeeda ay Khilaafsantahay qaabka iyo Nidaamka Sharciyada wood qoraaleedka Xafiisyada Maamulka Dowliga ah, Isla markaana aanu La Taliyaha Aqoon u leheyn habka loogu qoro Warqadaha Xafiiska Taliyaha Ciidanka.