Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo saaka gabi ahaan xiran & Ganacsatada oo DF u jeediyay dhaliilo adag

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa guud ahaan saaka xiran ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, kadib go’aan shaqo joojin oo shalay kasoo baxay Guddiga Ganacsatada Suuqa.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa xaqiijiyay in guud ahaan saakay ay xiran yihiin goobaha ganacsi ee Suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa diidan canshuur kordhinta ay ku sameysay dowladda Federalka Somaliya, maadaama canshuurtaasi ay tahay mid aysan awood badan u laheyn ganacsatada inay iska bixiyaan.

Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili wayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay Dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.

Ganacsatada ayaa Saaka isugu tagay dabaqa Waaheen ee ku yaallo agagaarka Maalin Taajir, halkaasi oo lagu wado inay Saxaafadda kula hadlaan.

Dowladda Somaliya ayaa ku soo rogtay agabka kala duwan ee laga soo dajiyo Dakadda Magaalada Muqdisho Canshuur badan, taasi oo saameyn ku yeelanaysa ganacsatada Somaliyed.

Dhinaca kale, ganacsatadan ayaa sheegaya in alaab badan ay kaga baaba’ayso dekadda, ayna taallo muddo ka badan 12 cisho, waxayna sheegeen in haddii canshuurta la sheegayo ay bixiyaan ay khasaare badan la kulmayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com