Xog: Jawaari iyo Cabdi Xaashi oo weli isku haya awoodaha & Villa Somalia oo ku wareersan

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida laga soo xigtay Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, ayaa sheegaya in weli uu taagan yahay is fahan waaga ka dhextaagan Guddoomiyayaasha Aqalka Sare Xildhibaan Cabdi Xaashi iyo Aqalka Hoose Jawaari.

Isfahan’waaga labada Guddoomiye ayaa weli salka ku haya awoodaha shaqo ee labada Gole, waxaana tabashada ugu badan qaba Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi, ayaa dhowr jeer dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Aqalka Hoose Jawaari u gudbiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka, wallow ay dacwadaasi u muuqato mid aan wax laga qaban.

Dacwada Cabdi Xaashi oo dib usoo noqotay ayaa ku qotonta in Golaha Aqalka Sare uusan laheyn awood buuxda oo xadideysa shaqooyinkooda, maadaama shaqooyinka ugu badan uu isku soo koobay Jawaari.

Cabdi Xaashi, ayaa iminka dadaal ku bixinaaya helida awoodo gaara oo uu yeelan doono Golihiisa, iyadoo awoodaha badan laga xadidi doono Golaha Aqalka Hoose oo dhammaan howlaha shaqo isku soo koobay.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale ka biya diidan in la kala saaro awoodaha labada Aqal, taa oo la sheegay inuu uga gol leeyahay awood badsi gaara.

Jawaari waxa uu sidoo kale muddo 2 jeer fashiliyay kulamo leysaga horkeenaayay isaga iyo Cabdi Xaashi kaa oo ka dhici lahaa Villa Somalia, si xal waara looga gaaro shaqooyinka isaga qaldan labada Gole.

Jawaari ayaa rumeysan in wakhti aan munaasib aheyn la dhisay Aqalka Sare, waxa uuna taa bedelkeeda hal hees ka dhigtay ‘’Yareynta awooda Aqalka Sare’’ inta uu dalka ka gaaraayo heerkii loogu talo galay.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa qudhooda ku jahwareersan kala maareynta awoodaha labada Gole, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu socdo qorshayaal lagu kala saarayo awoodaha labada dhinac.

Geesta kale, waxaa mugdi ku jira xiriirka labada Guddoomiye inkastoo ay dadka u muujiyaan saaxiibtinimo,wada shaqeyn iyo isku dhawaanshi, hadana waxaan jirin xiriir dhaba oo ka dhexeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com