Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu aqbalay dalab casuumaad ah oo kaga imaaday dhigiisa Sudan Cumar Al-bashiir.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay casuumad uu u fidiyay dhigiisa Sudan, kdib markii uu casuumada ka Iclaamiyay magaalada Addis Ababa oo ay kuwada kulmeen Ra’isul wsaaraha dalka.
Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ayaa casuumaada u faraya Ra’isul wasaare Kheyre, waxaana intaa xigay in khadka Telefoonka uu ku wargaliyay dhigiisa si uu u ajiibo casuumaada.
Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ayaa aad u daneynaaya xiriir dhow uu xiligaani la sameeyo dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo kursiga kala wareegay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.
Dowlada Sudan ayaa xiriir wanaagsan la laheyd dowladii hore ee Somalia, waxa ayna iminka dooneysaa Sudan inay dib u hantiso xiriirka Somalia, maadaama ay meesha ka baxday dowladii hore.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wadahadli doona xiisada Sacuudiga iyo Qadar, maadaama ay labada dal mowqif isku mida ka qaaten xiisada labada dal.
Dhinaca kale, Dalka Sudan ayaa waxaa waxbarasho u jooga in kabadan 13 kun oo arday kuwaa oo wax kabarta magaalada Khartoum iyo Gobolada dalkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]