Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Imaatinka mas’uuliyiintan oo hadda ka mid ah mucaaradka dowladda ayaa la sheegay inuu dhameystir u yahay dhismaha isbaheysi ay ku mideysan yihiin musharaxiinta mucaaradka.
Dhamaan xubnaha mucaaradka ee u hanqal taagaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa berri shir ugu furmaya magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.
Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegay in Madasha Mucaaradka uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, isla markaana ay ka qeyb geli doonaan Ra’iisul Wasaarayaal hore, wasiirro hore, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo saameyn ku leh siyaasadda dalka.
Qorshe lagu doonayay in isbaheysigan lagu soo daro Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fashilmay, kadib markii uu Farmaajo diiday inuu qayb ka noqdo.
Farmaajo ayaa la sheegay inuusan la dhacsaneyn habka ay mucaaradku wax u wadaan, iyaga oo xitaa mararka qaar si fudud u siyaasadeeya arrimo masiiri ah, sida amniga iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.
Arrimahan ayaa si cad uga muuqday bayaannadii uu horey u soo saaray Farmaajo, isaga oo inta badan ku amaani jiray ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka xubno ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay si joogto ah u dhaliili jireen dowladda, iyaga oo ku eedeyn jiray wax ka qabasho la’aanta amniga iyo guuldarrooyinka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa ka duwan xubnaha kale ee mucaaradka ah, maadaama uu inta badan ka fiirsado bayaannada iyo fal-celinta uu soo saaro, halka mucaaradka kale ay si maalinle ah ama si joogto ah u weeraraan dowladda.
Kala aragti duwanaanshahan ayaa keenay in Farmaajo iyo mucaaradka kale aysan si buuxda isugu imaan karin.
Muqdisho waxaa isugu yimid dhammaan mucaaradkii dowladda, kuwaas oo ka soo horjeeda doorashada ay qabaneyso madaxda hadda talada heysa, halka dhanka dowladda uu ka socdo qorshe loogu diyaar-garoobayo shir weyne uu gogoshiisa dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh, si looga wadahadlo arrimaha la isku khilaafsan yahay, iyadoo doorashadu ay ugu horreyso.

