Xog: Farmaajo oo eedda muddo kororsiga dusha u saaray guddoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo ku dhow safaaradda Mareykanka iyo xafiiska Midowga Yurub ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Farmaajo uu wakiilada caalamka u sheegay in wax kasta oo ka dhasha muddo korarsiga uu mas’uuliyaddeeda leeyahay guddoomiye Mursal. 

Farmaajo iyo wakiilada beesha caalamka ayaa 17-kii bishan April, oo ku beegneyd Sabtidii, ku kulmay teendhada Afisyoone.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Farmaajo uu wakiilada caalamka hortooda dhowr mar ka sheegay in muddo korarsiga uu yahay go’aan uu qaatay Golaha Shacabka, islamarkaana ay u madaxbanaan yihiin go’aannadooda, wixii ka dhashana ay mas’uul ka yihiin guddoonka Golaha. 

Sidoo kale Farmaajo ayaa wada-shaqeyn ku tilmaamay inuu saxiixo go’aanka Golaha Shacabka ay ka gaareen arrimaha doorashada, isagoo sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in Goluhu ka laabtaan go’aankaas. 

Wakiilada beesha caalamka ayaa diiday soo jeedinta Farmaajo ee in wax kasta ay mas’uul ka yihiin Golaha Shacabka, balse waxaa la sheegay in guddoonku uu qeyb ka noqon doono shaqsiyaadka wax ku leh dhibkii dhaca ama la saari karo cunaqabataynta. 

Ma ahan markii koowaad ee Farmaajo dano siyaasadeed marsado Mursal kadibna uga baxo. Kahor heshiiskii doorashada ee September 17, Mursal ayaa meel-mariyey sharci doorasho oo qof iyo cod ah, hase yeeshee waxaa meesha ka saaray Farmaajo oo markii horeba ka dhaadhiciyey Mursal inuu sidaas sameeyo. Haddana, waxaa suurta-gal ah in cadaadis kadib Farmaajo sharcigan iska tuuro dibna ugu laabto wada-hadallada doorashada.

Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa kulankii la sheegay in ay u sheegeen in uu beddelo mowqifka ku saabsan muddo korodhsiga dibna loogu laabto wadahadal iyo wadar-oggol. Farmaajo ayaa la sheegay in uusan markiiba siinin jawaab balse lagu soo kala tagay is-faham in la isku soo laabto.