Xog: Farmaajo oo ku wajahan Riyadh iyo wafdi hordhac ah oo gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u safri doono magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudi Carabiya.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Sacuudiga, waxaana iminka dalkaasi gaaray wafdi hor dhac ah.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo uga sii hormaray magaalada Riyadh ayaa waxaa hoggaaminaaya Wasiirka Arimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa arrimo gaara kala hadli doona dhigiisa dalka Sacuudiga, waxaana la filayaa in si gaara ay uga wadahadlaan xiriirka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka oo sii xumaanaya.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Dacwada Somalia u gudbisay Dowlada Sacuudiga, iyadoo booqashada Farmaajo ee dalkaasi ay qeyb ka tahay dacwada.

Wasiirka Awad ayaa inta uu Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay magaalada Riyadh, halkaa uga sii qeybgali doona shir wadamada Jaamacadda ay ku yeelanayaan magaalada Damaam ee Sacuudiga.

Dhinaca kale, waxaan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha dheeriga ay oo ay kawada hadli doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Sacuudiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com