Xog: Farmaajo oo safar ka ah magaalada Muqdisho (Xagee ku socdaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu maanta u dhoofi doono magaalada Khartuum ee xarunta dalka Sudan.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu casuumaad rasmi ah ka helay dhisiisa Sudan Cumar Xasan Axmed ”Al-Bashiir”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la sheegay in safarkiisa maanta ee Khartoum ay ku wehlin doonaan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada kuwaa oo qaarkood heshiisyo cusub lasoo gali doona Sudan.

Farmaajo ayaa magaalada Khartoum ku nagaan doona muddo Seddex cisho ah, waa haddii aanu isbedel ku imaan qorshaha safarka Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Khartoum la kulmi doona Jaaliyadda iyo qaar kamid ah ardayda ku sugan magaalada Khartoum.

Farmaajo ayaa maalmo un ka hor safarkii Saddexaad ku tagay dalka boqortooyada Sacuudiga oo ay kawada hadlayeen Khilaafka Khaliijka iyo Heshiisyo qarsoodi ah oo ay la galeen maamulada dalka.

Dhinaca kale, Safarka Farmaajo ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ay wajaheyso culeysyo dhanka Siyaasada ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com