Xog: Maxaa laga filan karaa gogosha Jubaland ay u dhigtay maamul goboleedyada?

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan shaaciyay in maamulkiisa uu qaban doono gogol ay u dhigayaan maamul Goboleedyada dalka.

Hogaamiyaha maamulka ayaa gogosha ku sheegay mid looga arrinsanaayo xaaladaha siyasadeed ee dalka, waxaana qeyb ka noqon doona go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay Khilaafka Khaliijka, Go’aanka maamulada ay gaaren iyo Khilaafka dowlada kala dhexeeya maamul Goboleedyada dalka.

Dowlada Somalia iyo maamul Goboleedyada oo laba jiho u kala socda ayaa hadana dareensan in khilaafyada cusub ee iminka jira ay u muuqdan kuwo dalkeena ka dhigay qeyb ka mid ah dalalka uu loolanka ka dhexeeyo.

Marka la’eego go’aanka dowlada Somalia ee xiisada Khaliijka waxa ay maamul Goboleedyadu rumeysan yihiin in dowlada Somalia ay taageersan tahay dowlada Qadar oo ay ka qaadatay dufan yar.

Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed ayaa sheegay inaysan DFS ku raacsanayn Go’aanka Dhexdhexaadka, waxayna Isbahaysi la noqdeen Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Hogaamiyaha Maamulka Jubbbaland, Axmed Madoobe iyo maamulkiisa oo ka badqaba duufaanta kacdoonka Khaliijka ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul gobaleedyadda kulan wada-tashi oo uu gogosheeda dhigay magaalladda Kismaayo.

Kulankaasi ayaa waxaa ogolaaday inay ka soo qeyb galaan Hogaamiyayaasha Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa inuu kulankaasi ka furmo Kismaayo maalinta Arbacada ee soo socota.

Madaxda Maamul-gobaleedyada ayaa la filayaa inay Mowqif Mideysan ka qaataan DFS, isla markaana ay bilaabaan Olole ka dhan ah Awoodda Dowladda Federalka.

MAXAA LAGA FILANKARAA KULANKA

Mas’uuliyiin ku dhow dhow Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay ka go’an tahay inay ku adkeysato dhex dhexaadnimada isla markaana xal u raadiso Khilaafka Khaliijka ee kala geeyay Madaxda Soomaalida.

Mas’uulkan ayaa xaqiijiyay in Jubbaland ay u janjeerto dhanka Dowlada Somalia oo ay wadaagan xiriir wanaagsan.

Waxaa suuragal ah in Jubbaland ay qaadato go’aan ay ku taageereyso Isbaheysiga Sacuudiga, balse waxa ay taageeradeeda ka duwanaan doonta tan maamul Goboleedyada kale.

Maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in mudada ay socdaan kulamada ay dhex dhexaad ka noqoto xiisada, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inay wakiilatay dowlada Somalia.

Hogaamiyayaasha maamulada kale ayaa cabsi ka qaba in Hogaamiyaha maamulka uu sabab u noqdo fashil ku imaada kulanka, maadaama uu garab u yahay dowlada Somalia.

QORSHAHA IGAD IYO BEESHA CAALAMKA

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu cadaadis kala kulmaayo Dowladaha IGAD iyo QM oo aad uga didsan shirka ka furmaayo Kismaayo.

IGAD iyo QM ayaa Axmed Madoobe ku cadaadinaaya inuu joojiyo kulankaasi, si ay galaangal ugu yeeshan Dhex-dhexaadinta DFS iyo Maamulladda Goballada qeybta ka ah Dowladda Federaalka.

IGAD iyo QM ayaa lumiyay galaangalkooda Siyaasada Somalia, waxaana sabab looga dhigay isbedelka dowladii hore iyo dowlada hadda jirta oo kala mowqif duwan.

Siyaasiyiinta madaxa banaan ayaa u arka Madaxda Maamul gobaleedyada kuwo ay u muuqato Danaha Maamulkooda, balse aysan mudnaan u lahayn Go’aanadda Danaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Maamul gobaleedyada ayaa looga fadhiyaa inay mowqif mideysan ka istaagan Siyaasada ay dowlada Somalia ku dooneyso inay ku maamusho maamulada.

 

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com