Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ku howlan yahay diyaarinta Safiiro dhowr ah oo lagu bedeli doono kuwii hore.
Madaxweynaha ayaa diirada saaraya dhowr Safaaradood oo muhiim u ah DFS, kuwaa oo loo magacaabi doono Siyaasiyiin hore iyo kuwo cusub.
Safiiradii hore oo ay magacawday dowladii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale weyn doona xilalka ay u hayaan Qaranka, kuwaa oo lagu jiheyn doono shaqooyin kale.
Ilo wareed ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha DFS ayaa xaqiijiyay in Farmaajo uu dhawaan Safiir u magacaabi doono Hogaamiyihii hore maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed.
Qorshaha Farmaajo ayaa ah in Guuleed uu u magacaabo Safiirka Somalia ee Turkiga, iyadoo la hirgalinaayo dalab kaga imaaday dhanka Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
C/kariin Guuleed ayaa ujeedka ugu weyn ee loo magacaabayo lagu sheegay in dalka Turkiga uu ku ilaashado caafimaadkiisa, maadama xiriir joogta ah uu la sameynaayo dhakhaatiirta wadnaha, waxa uuna sidaa kusii matali doonaa DFS.
Guuleed ayaa horay ugu soo fashilmay xilal kala duwan oo ahmiyad gaara u lahaa DFS, waxaana iminka mar kale lagu tijaabinayaa xilka Safiirnimo.
Ma cadda baahida Madaxweynaha ku dhalisay in xiligaani xil sidaa u weyn uu u magacaabo mas’uulkaani ka tirsan garabka Xasan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]