XOG: Fowsiya oo Baarlamanka looga yeerayo si looga xaqiijiyo midnimada

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia, ayaa su’aalihii ay ka war wareegtay markii ay warbaahinta wareysi siisay, waxaa lagu hor weydiin doonaa Baarlamanka Somalia, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo horey magaalada Hargeysa uga sheegtay inay u dhiman doonto gooni isu taagga Somaliland, ayaan ilaa iyo hadda si cad u qeexin, haddii mowqifkaas ay ka laabatay iyo in kale.

Fowsiya ayaa sidoo kale carro xoogan ku abuurtay Somalia markii wareysi ay bixisay ku tiri “Somalia waa dalkeyga, Somaliland-na, waa dalkeyga”, ayada oo markaas Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Somalia ku qeexeysa dal madax banaan.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia ay wadaan qorshe Fowsiya lagu horkeenayo baarlamanka, si ay u caddeyso waxa ay ula jeeday faalloyinkaasi.

“Somalia ma ahan laba dal, oo waa hal, Somaliland-na waa qeyb ka mid ah Somalia, sidaa darteedn ayaynu ka dooneyno inay si cad u qeexdo hadalkeeda” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada wada qorshaha Fowsiya lagu hor geynayo Baarlamanka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, sababo la xiriira qorshaha oo weli qabyo ah.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladda dhexdeeda uu ka jiro tuhun xoogan oo ku aadan Fowsiya, isdaa darteedna la doonayo in wax kasta la kala caddeeyo, oo arrintan ay meel u dhacdo.

Sida xildhibaanka inoo sheegay waxaa Fowsiya looga wici doonaa Baarlamanka, marka ay kasoo laabtaan fasaxooda kadib markii uu xirmay kalfadhigoodii ugu horeeyay, ayada oo tirada xildhibaanada aadka ugu carreysan Fowsiya ee wada tallaabadan ay gaarayaan illaa 45.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa marka ay warbaahinta la hadleysa waxa ay isku daydaa inay farxad geliso labada dhinac ee Somalia iyo maamulka Somaliland, ayada oo diidan inay midnimada Somalia ka dhigto muqaddas.

Waxa ay sidoo kale nasiib u yeelaty oo wareystay weriyayaal aan sidii la doonayay u weydiin s’aalaha si hadaladeeda ay u kala saarto.