XOG: Gaas oo Ethiopia wacday, bahdilayna DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow wafdiga Ra’isul wasaare Cumar ku wehlinaaya xalinta Colaada Gaalkacyo ayaa inoo xaqiijiyay in Dowlada Ethiopia laga xalin la’ yahay colaada Gaalkacyo.

Ilo wareed ka tirsan Wafdiga ayaa sheegay in C/weli Gaas uu ka caga jiidaayo xalinta Colaada, waxa uuna ilo wareedka tibaaxay in Gaas uu xujo ka dhigay in xalinta Colaada ay lama huraan ay tahay in Saraakiisha Ethiopia ka jooga Somalia ay goobjoog ka ahaadan shirarka lagu xalinaayo Colaada.

C/wali Gaas ayaa wafdiga DFS ka socda u cadeeyay inuusan aamini karin Dowlada ilaa qodobada lagu heshiin doono ay isla arkaan Saraakiil ka socta Ethiopia oo la filaayo inay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho.

Wafdiga DFS ayaa iyagana ku doodaya in kulamada socda ee lagu xalinaayo Colaada aysan suuragal aheyn inay ku lug lahaadan Wakiilaha Ethiopia ka jooga Somalia, balse muhiimada koowaad ay siinayaan inay iyaga is xaliyaan bacdamaa aysan jirin sabab loogu yeero wakiilo Ethiopian ah.

Colaada ka taagan Gaalkacyo ayaa waxaa kaalin buuxda ka qaadaneysa Dowlada Ethiopia oo xiligaani naas-nuujineysa Maamulka Puntland waxaana suuragal ah in Ethiopia aan looga maarmi doonin dhex dhexaadinta labada Maamul.

Warar hoose oo aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in Gen Gebra uu iminka ku sugan yahay magaalada Garoowe, lana filaayo in Saraakiil dheeri ah ay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho.

Dowlada Ethiopia ayaa miisaan Siyaasadeed ku dhex leh Siyaasada Somalia, gaar ahaan Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana hadda magaalada Garoowe iyo Gaalkacyo kuwada dhan Wufuud ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Gobolada dalka.

Ma cadda go’aanka kasoo bixi doona kulamada ka kala socda Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo ay ku kala sugan yihiin wufuud ka kala socda DFS, Maamul Goboleedyada iyo Saraakiil Ethiopian oo hordhac u ah kuwa la filaayo inay ka baxaan Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com