Dowladda Soomaaliya oo u Jawaabtay Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo dhawaan kasoo yeeray maamulka Puntland ee ahaa in dowlada Soomaaliya ay hurineyso dagaalada u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

Mahad Maxamed Salaad, Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymahaasi oo uu sheegay iney yihiin kuwo been abuur ah, maadaama dowlada ay hormuud ka tahay  wadahadalada u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan marnaba raali ka aheyn dagaalada ka dhaca dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in dowlada Soomaaliya ay dadaalo badan ku bixineyso xalinta dagaaladaasi.

“Dowladda Federalka Somaliya Mushkilada Galmudug iyo Puntland ka jirta qayb ka ma’ahan xalkeeda ayeey qayb ka tahay waad ogtahay masuuliyada dadkaan iyo Dowladan Somaliyed ka saaran deeganadan iyo nabad ku wada noolaanshaha, waana sababta keenaysa in masuuliyiintii Dowladda ay ku soo noq noqdaan deeganadan oo dhulka u soo jaraan”ayuu yiri Mahad Maxamed.

“Hadii aan anagu jecelnahay inay dhibaato ka dhacaan deeganadan dhowr boqol oo Kilomitir uma aynaan soo jari laheyn.” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya Mahad Salaad.

Maamulka Puntland ayaa labadii maalin ee ugu dambeeyay soo saarayay war saxaafadeedyo ku saabsan in dowlada Soomaaliya ku lug leedahay dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com