Guuleed iyo Gaas oo ballansan iyo ciidamo la…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta Magaalada Gaalkacyo ay kuwadakulmaan Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa hadda ku sugan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS.

Mas’uuliyiintaani ayaa waxa ay Habeenimadii xalay Gaalkacyo ka wadeen kulamo kala duwan oo ay la qaadanayeen Maamulka Galmudug iyo Odayaasha deegaanka si xal KMG ah loogu helo Colaada u dhexeysa labada Maamul ee dariska ah.

Ra’isul wasaare Cumar oo u taag waayay C/weli Gaas, ayaa waxa uu u xil saartay Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe oo isna xalay ku hoyday magaalada Garoowe, si uu Gaas maanta u geeyo magaalada Gaalkacyo oo la filaayo in lagu wada hadalsiiyo isaga iyo Madaxweyne Gulleed.

Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid oo goordhow la hadlay Saxaafada ayaa xaqiijiyay in saacadaha soo socda laga sugayo magaalada Gaalkacyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo la filayo inay kawada hadlaan colaada iyo xurgufta siyaasadeed u dhaxeysa.

Suuragalnimada kulanka labada Mas’uul ayaa aad u yar, markii laga soo tago hadalka Ra’isul wasaare Cumar, madaama ay saxaafada isku marinayaan erayo colaadeed oo la oran karo waan kuwo aan u faa’ideyneynin waan-waanta socta.

Docda kale, waxaa Saakay la adkeeyay amaanka magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo hordhac u ah Wafdiga C/wali Gaas ee halkaasi gaari doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com