28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

XOG: Galeyr oo u hub uruursanaya Somaliland!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kacsan xaalada deegaanka Buuhuudle ee Gobolka Togdheer kadib markii halkaasi ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo kala taabacsan maamulada Khatoumo iyo Somaliland.

Qeybo kamid ah magaalada Buuhuudle, ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas u muuqata inay isku baacsanayaan Ciidamada is horfadhiya, halka dhinaca kalane ay ka socdaan dibad-baxyo looga soo horjeedo maamulka Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa waxaa horboodaya Wasiirka Caafimaadka Mamaulka Somaliland Saleebaan Xaglatoosiye,kaasi oo doonaayo in deegaankaasi uu ka hirgaliyo hanaanka doorasho ee maamulka Somaliland oo diyaar garowgiisa socda.

Ciidamada Khatoumo ayaa waxaa iyana hogaaminaaya Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo ku sugan qeybo kamid ah magaalada Buuhuudle, waxa uuna Galeyr doonayaa in halkaasi uu ka hirgaliyo shir horay ay u fashilisay Somaliland.

Dhaqdhaqaaqa magaalada ayaa waxaa ku imaaday isbedel muuqda waxaana hakat galay isu socodka gaadiidka, iyadoona dhanka kale ay jiraan Hub uruursi ay wadaan Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Khaatumo.

Dhanka kale, xaalada ayaa marba marka xigta kasii dareysa waxaana suuragal ah in saacadaha soo socda uu halkaasi ka dhaco Dagaal xoogan iyo barakac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News