Xog: Ganacsato ku heyb ah madaxweyne Farmaajo oo loo xirtay kiiska wasiir Janan

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ilaa 3 qof oo kamid ah ganacsatada ugu caansan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa loo xiray kiiska Cabdirashiid Janan, waxaana xarigga raggan ka dambeeyay Taliska Ciidamada nabad sugidda Jubbaland ee gobalka Gedo, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Dadka la xiray ayaa ka soo jeeda heybta Madaxweynaha Soomaaliya waxaana xarigooda amray taliyaha nabad sugidda Jubbaland oo lagu magacaabo Cali Xasan Deer, kuna heyb ah wasiirka amniga Jubbaland.

Dadka la xiray ee 3-da qof ah ayaa 2 kamid ah waxay kala heesteen shirkado ka shaqeeya biya gelinta Beladxaawo iyo Shirkad dhismooyinka qaabilsan. Shirkadaha iyo ganacsiga ragaan kuma koobna oo kaliya Beladxaawo balse waxay caan sidoo kale ka yihiin Gedo waxaana ka shaqeeyo shirkado ay leeyihiin.

Xarigga masuuliyiintaan oo si wayn looga dareemay Gedo ayaa sidoo kale waxaa ku lug leh talihii ciidamada Xoogga Soomaaliya ee gobalka Gedo, sidoo kalane mar kamid noqday Baarlamaankii 8-aad ee dalka Jamaal Xasan Faree iyo Guddoomiyaha Haweenka Beladxaawo Canab Kululi, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobalka.

Ehellada dadka xiran oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay jiraan dad kale oo ku heyb ah Madaxweynaha Soomaaliya oo ku xiran degmada Doolow ee gobalka Gedo, kuwaas oo isugu jira cuqaal iyo aqoonyahaano reer Gedo ah.

Guud ahaan gobalka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay aad looga dareemaya arrintaan waxaana isa soo taraya baaqa iyo qayla dhaanta dhaqanka gobalka Gedo taas oo ku saabsan in aan qabiil lagu saleynin Xarigga Wasiir Janan oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta amaanka ee maamulka Jubbaland, waxaana noo suurta gelin xariiro aan la sameynay hay’adaha amaanka Jubbaland iyo kuwa maamulka Gedo si aan wax uga waydiino xiisada gobalka ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com