Xog: GardaWorld oo mar kale heshay qandaraaska AMISOM iyo UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda dhinaca amniga qaabilsan ee laga leeyahay dalka Canada, GardaWorld ayaa mar kale ku guuleysatay qandaraaska Amisom iyo xafiiska QM ee Soomaaliya, ee taageerada dhinaca macluumaadka, Information Support Team (IST).

GardaWorld Corporation oo fadhigeedu yahay magaalada Montreal ee dalak Canada ayaa ka mid ah shirkadaha dhinaca amniga ugu weyn caalamka, waxayna shaqaaleysaa 62,000 oo qof.

Waxay Amisom iyo xafiiska QM ee Soomaaliya ka taageeri doontaa doonta mashruucyo ay ka mid yihiin ururinta xogta, soo saarka muuqaallada, la socoshada warbaahinta waxyaabaha ay qoraan iyo qiimeyntooda iyo baraha bulshada sida facebook iyo Amisom.

Akhbaaraadka noocan ah ayaa muhiim ah dhaq-dhaqaaqyada amni ee Amisom iyo xogaha sirdoonka ee ay ku howl-galaan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qandaraaskan la rumeysan yahay inuu sanadkii ku kici doono 12 ilaa 15 milyan oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com