Xog: Gebra oo Safaarada Ethiopia ku dhex ceebeystay mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay kusoo waramayaan mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia waxaa Safaarada Ethiopia ee ku taalla eeryada Madaxtooyada laga mamnuucay Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka howlgala Villa Somalia.

Mas’uuliyiintaani ka howlgala Villa Somalia, ayaa waxaa Safaarada ka eryay Gen. Gebra oo dowlada Ethiopia u qaabilsan dhanka Sirdoonka iyo kala geynta Soomaalida.

Gebra ayaa ilaalada Safaarada Ethiopia ku amray inaysan soo deyn karin ilaa 6 mas’uul oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, kuwaasi oo Liiskooda loo gudbiyay Taliyaha Ilaalada Safaarada.

Gebra waxa uu Taliyaha Ilaalada Safaarada ku amray inay xiraan mas’uuliyiintaasi haddii ay dhacdo inay kusoo laabtan Safaarada.
Mas’uuliyiinta laga mamnuucay Safaarada ayaa waxaa lagu eedeeyay in dhowr jeer ay Safaarada ka qaaden Fiisooyin dal ku gal ah, balse waxa ay fiisooyinka kasii iibiyeen dad la sheegay inay ahaayen Tahriib.

Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo mas’uuliyiinta Dowlada lagu eedeyo inay ka ganacsadaan Fiisooyinka dal ku galka ah oo ay ka helaan Safaaradaha ku yaalla Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com