25.3 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Gen. Gabre oo u hanjabay xubno ka tirsan guddiga ololaha CC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War cusub oo aan helnay ayaa sheegaya in Gen. Gabre uu Hanjabaad u jeediyay qaar kamid ah Guddiga Doorashooyinka Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

Gen. Gabre ayaa xubnahan u hanjabay kadib markii laga saaray kulan lagu taageraayay Cumar C/rashiid oo uu kasoo qeybgalay Gabre marti galin la’aan.

Guddiga ayaa Gabre ka saaray kulanka kadib markii uu isku dayay in kulanka oo Muqdisho ka dhacay uu ka jeediyo kalimad, waxaana leys weydiiyay cida ku marti galisay kulanka iyadoo markii danbe laga saaray hoolka munaasabada.

Gen. Gabre ayaa siyaasad ahaan xiligaani taagersan Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud oo garab ka heysta Dowladda Ethiopia.

Gabre ayaa inta badan ka qeybgala shirarka iyo munaasabadaha ay dhiganayaan madaxda Dowlada, si uu halkaasi uga uruuriyo macluumaadka uu la wadaagi lahaa Sirdoonka iyo Dowlada Ethiopia.

Dhawaan ayay aheyd marka Gen. Gabre laga eryay kulan ay Wasaarada Gaashandhiga Somalia ku lahaayen Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News